Ängelholms kommunvapen Ängelholms kommunvapen

Verktygsmeny

Hjälp

Sök på webbplatsen

Chatta med oss

Hej, vill du ha hjälp?



Chatten öppnas i nytt fönster i din webbläsare

Texten i chatten sparas och blir en allmän handling som vem som helst kan begära att få läsa.

Regler och villkor för chatten

Guryaha

Haddaad guridoon tahay waxaad la xiriireysaa shirkadda Ängelholmshem oo iyadu guryo badan ku leh degmada. Waxaa kaloo shirkado gaar loo leeyahay oo guryo leh oo aad la xiriiri karto. Haddaad dooneyso inaad iibsato guri ama goof waxaad la xiriireysaa dillaal kaa caawina.

Waqtiga aad sugeyso in go’aan laga gaaro codsigaaga magangelyada, waxaad degganaaneysaa mid ka mid ah guryaha Hay’adda socdaalka, haddii aadan adigu dooran inaad degto guri aad adigu diyaarsatay.

Degganaan iyo xasillooni

Haddaba si aad adiga iyo deriskaagu farxad ugu degganaataan waxaa muhiim ah innaad is tixgelisaan. Waxaad ku dadaashaan in degganaan iyo xasilloni ka jirto guriga aad deggan tahay iyo meelaha dadka ka dhexeeya. Kireyste ahaan waxaad mas’uul ka tahay dadka ku soo booqanaya. Haddii cidi ku arbushto la xiriir shirkadda aad ka kireysatay guriga. Haddii ay arbushaaddaadu soo noqnoqto waxaa dhici karta in aad lumiso aad u leedahay kirada gurigaas.

Qolka dhar-dhaqidda

Si aad u isticmaasho qolka dhar-dhaqidda waa inaad waqti qabsataa. Warbixin taas ku saabsanna waxaad ka heleysaa kireeyaha guriga. Waa muhiim in qolka la nadiifiyo marka laga dhammeysto oo laga tegayo si dadka kaa dambeeya aysan u dhibsan.
Saxanka anteenada
Haddaad dooneyso inaad saxan anteeno meel ku dhejiso, la xiriir marka hore shirkadda guriga kaa kireysey si aad uga hesho ruqsad iyo tusaalooyin.


Qashinka

Qashinka guriga waa in la kala soocaa oo si fiican loo xiraa kadibna laga tuuraa meelaha kireeyuhu kuu sheegay. Qashinka ay ka mid yihiin qarshooyinka, waxyaalaha birta ka samaysan, waxyaalaha caagga ka samaysan, warqadaha, baakooyinka waxaa la geynayaa
xarunta loogu talagalay waxyaalaha dib loo isticmaalo. Warbixin dheeraad ah ka sii akhriso cinwaanka”Waa fiican tahay in la ogaado” hoostiisa.

Sigaarka

Waa mamnuuc in sigaar lagu cabbo jaranjarooyinka, qolalka dhar-dhaqidda, wiishka, bakkaarada, daaradda iyo meelaha dadka ka dhexeeya. Guryaha qaarkood waa ka mamnuuc in sigaar lagu cabbo gudahooda.

Xayawaanka guryaha lagu haysto

Adiga ayaa mas’uul ka ah xayawaanka aad guriga ku haysato. Dibedda ha u siideyn xayawaankaas adigoo aan la socon. Waa inaad hubisaa in aysan ku kaadin ama ku saxaroon guriga agagaarkiisa ama aysan dhibin dadka deriska ah.

Furayaasha

Markaad guriga soo degto waxaa laguu siinayaa tiro furayaal ah. Waana inaad furayaashaas u celisaa kireeyaha marka aad guurto. Haddii fure ka maqan yahay adiga kireyste ahaan ayaa bixinaya kharashka lagu beddelayo.

Ka noqoshada kirada

Marka aad dooneyso inaad ka guurto guriga, waa inaad ka noqotaa heshiiska kirada. Sidaasna waxaad ku sameyn kartaa adigoo ka noqosho qoraal ah u soo gudbiya cidda aad guriga ka kireysatay. Waqtiga ogeysiinta ka noqoshadu waa saddex bilood, haddii qofka
kirada ugu jiraa dhintana waa hal bil. Warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa kireeyaha.

Nadiifinta guriga laga guurayo

Marka aad guriga ka guureyso waxaa muhiim in aad dhammaan alaabta ka saartay oo nadiifisey. Shirkadda gurigu waxay sameyneysaa kormeer. Wixii dhaawac, jajab ama nadiifin dheeraad ah waxaa kharashkooda bixinaya qofka kirada ugu jirey.

Sidan uppdaterad den 25 maj 2016.

Allmän information

Om Ängelholm

Adress:
Östra vägen 2
262 80 Ängelholm

Telefon: 0431-870 00
E-post: This is an email address

Kundtjänst-öppettider:

Måndag - torsdag 07.30-17.00
Fredag 07.30-16.00

Kommunens kundtjänst

Jourtelefon och andra kontakter

Felanmälan

Lämna din synpunkt

Om webbplatsen

Ängelholms kommun på sociala medier

Facebook

Twitter

Instagram

Youtube

Visste du att Rögle BK från början var en bandyklubb?