Ängelholms kommunvapen Ängelholms kommunvapen

Verktygsmeny

Hjälp

Sök på webbplatsen

Chatta med oss

Hej, vill du ha hjälp?



Chatten öppnas i nytt fönster i din webbläsare

Texten i chatten sparas och blir en allmän handling som vem som helst kan begära att få läsa.

Regler och villkor för chatten

Waa fiican tahay in la ogaado

Sidaan ayaad u tuureysaa qashinka

Qashinka aan daadino badankiis dib ayaa loo isticmaali karaa. Degmada Ängelholm
waxaa la bilaabayaa nidaam lagu kala sooco qashinka.

Qashinka ciidda ama dhulka ku milmi kara waxaa lagu gurayaa kiish xaashi ah oo
midab guduudan. Tusaale:
  • Cuntada
  • Xaashiyaha afka lagu tirtirto
  • haraaga qaxwaha ama kafeega
  • Ubaxa iyo dhirta guriga lagu haysto

Waxyaalaha ciid noqon karin waxaa lagu ridayaa ama gurayaa bac. Tusaale:

  • Xafaayadda carruurta iyo baandheyska dumarku caadada u isticmaalaan
  • Maryaha
  • Alwaaxda
  • Tubaakada iyo qashinka sigaarka
  • Alaabada dhoobada ka samaysan

Warqadaha, wargeysyada iyo waxyaalaha baakeysan oo ka sameysan qarshooyinka,
birta ama caagga nooca adag iyo nooca jilicsanba goonni ayaa loo ururinayaa oo loo
tuurayaa.

Safarada iyo gaadiidka

Degmada Ängelholm waxaa ka shaqeeya basas aad u raaci karto saldhigga tareenada.
Halkaas waxaad ka raaci kartaa tareen aad ku aaddo magaalooyinka Helsingborg, Malmö iyo Göteborg. Haddaad deggan tahay Valhall Park waxaad tareenadaas ka raaci kartaa maxaddada Barkåkra.

Waxaad kaloo bas u raaci kartaa bartamaha Ängelholm, halkaas oo aad ka heleyso dukaamo ay ka mid yihiin kuwa dharka lagu iibiyo. Waxaa kaloo halkaas ku yaal maktabadda degmada.

Safarka baska waxaad ku bixineysaa kaarka bangiga ama kaarka shirkadda gaadiidk ee
Skånetrafiken oo lagu magacaabo”JoJo-kort”. Lacag caddaan ah kuma iibsan karto baska korkiisa. Kaarka JoJo waxaad ka iibsan kartaa saldhigga gaadiidka Ängelholm.

Tigidh kama iibsan karto tareenka dushiisa. Waxaad ka goosaneysaa mishinka awtomaatiga ah oo saldhigga ku yaal inta aadan korin tareenka. Waxaadna ku iibsaneysaa kaarka bangiga ama kaarka ”JoJo” oo laga goosto shirkadda Skånetrafiken.

Barta internet ee shirkadda Skånetrafiken oo ah www.skanetrafiken.se waxay warbixinuhu ku turjumnaan karaan luuqado badan oo af-carabigu ka mid yahay. Waxaad halkaas ka heleysaa jadwalka waqtiyada gaadiidka iyo warbixino kale.

Haddii dab kaco

Aad ayey muhiim u tahay guriga lagu haysto qalabka dabka kaaga digaya marka dab
kaco ama meel qabsado. Haddii dab guriga qabsado, wac 112.

Haddii ay khasab kugu tahay inaad dabkaas ka baxsato hoos u fariiso oo dhulka ku gurguuro. Waayo qiiqo kor ayuu ku kacaa oo dadku badanaaba waxay u dhintaan qiiq hafiyey. Markaad guriga ka baxdo xir albaabka si uusan qiiqu sahal ugu fidin.

Waxaa muhiim in dhammaan qoyska oo carruurtu ku jirto aad og tihiin sidaad dibedda ugu bixi lahaydeen iyo meesha aad isugu iman lahaydeen oo ku kulmi lahaydeen markaad dibedda u soo baxdaan. Xasuusnow in aadan soo qaadan alaab xayiri karta jaranjarada ama albaabada.

Ka hortag inaan dab bilaaban:

  • Alaab dab ka dhalan karo ha ag dhigin mishinka cuntada lagu kariyo.
  • Fiilooyinka qalabka elektarooniga ah ka saar godka mar walba oo aadan isticmaaleyn.
  • Dharka ama shukumaanada ha ku qallajin qalabka guriga kululeeya.
  • Dhumac shidan ka ag dhigin waxyaalo dab qabsan karo, markaad dibedda u baxaysana dami shumacyadaas.
  • Guriga gudahiisa ha ku cabbin sigaarka.
  • Tarraqa ama kibriidka iyo qalabka sigaarka lagu daarto ha dhigin meel carruurtu gaari karto.

Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan Iswiidhen

Barta internet ee www.informationsverige.se waxaad ka heleysaa warbixino badan oo ku saabsan bulshada iyo sida ay u shaqeyso. Waana qoraallo xiisa badan oo kaa caawini doona nolosha cusub oo aad Iswiidhen ka bilowday. Waxaa warbixinahaas lagu akhrisan karaa afafka ingiriisiga, soomaaliga, carabiga, daari, bershiga iyo tigrinya.

Sidan uppdaterad den 25 maj 2016.

Allmän information

Om Ängelholm

Adress:
Östra vägen 2
262 80 Ängelholm

Telefon: 0431-870 00
E-post: This is an email address

Kundtjänst-öppettider:

Sommarens öppettider:
Måndag-fredag 08.00-16.00

Kommunens kundtjänst

Jourtelefon och andra kontakter

Felanmälan

Lämna din synpunkt

Om webbplatsen

Ängelholms kommun på sociala medier

Facebook

Twitter

Instagram

Youtube

Visste du att Ängelholm är en sommarstad med 6 km lång sandstrand?