Ängelholms kommunvapen Ängelholms kommunvapen

Verktygsmeny

Hjälp

Sök på webbplatsen

Chatta med oss

Hej, vill du ha hjälp?



Chatten öppnas i nytt fönster i din webbläsare

Texten i chatten sparas och blir en allmän handling som vem som helst kan begära att få läsa.

Regler och villkor för chatten

Ururada iyo dhaqdhaqaaqyada

In xubin firfircoon laga noqdo urur waa hab wanaagsan oo xiriir iyo saaxiibbo lagu samaysto. Haddaad xiiseyneyso isboorti, kalluumeysi, muusig ama aad jeceshahay inaad la kulanto dad kale waxaad kolkaas la xiriireysaa ururka aad doonto.

Degmada Ängelholm waxaa ka jira ururo badan oo aad ka qaybqaadan karto dhaqdhaqaaqyada ay qabanqaabiyaan oo ay ka mid yihiin isboorti, muusig iyo farshaxan. Haddii aad xiiseyneyso isboortiga waxaad kala dooran kartaa kubbadda cagta, xeegada barafka, qoobcayaarka, jimicsiga oo laga qabanqaabiyo degmada. Waxaa kubbadda cagta
lagu cayaaraa xaafadaha Vejbystrand, Össjö, Hjärnarp, Strövelstorp, Munka Ljungby iyo Lärkeröd.

La xiriir xafiiska adeegga dadweynaha si aad u ogaato ururada degmada ka jira iyo halka laga helo.

Maktabadda

Maktabadda waxaa lacag la’aan uga heli kartaa wargeysyo aad akhrisato ama inaad ka amaahato buugaag ku qoran luuqado kala duwan ama isticmaasho kombiyuutar. Waxaa kaloo halkaas yaal buugaag loogu talagalay dadka afka iswiidhishka ku cusub, oo mararka qaarkood la helo iyagoo cajlad ah.
Haddii buug aad dooneysey uusan ool maktabadda, waad dalban kartaa si lagaaga soo amaahdo maktabad kale oo ku taal meel ka mid ah Iswiidhen. Maktabaddu waxay carruurta iyo dadka waaweynba u qabanqaabisaa barnaamijyo dhaqanka la xiriira. Barta internet ee maktabadda waxaad ka akhrisan kartaa wargeysyo ku qoran ilaa 60 luuqadood oo ka soo baxa ilaa 100 waddan.

Waxay maktabado ku yaalliin fagaaraha Stortorget ee Ängelholm, Skälderviken, Strövelstorp, Hjärnarp, Munka Ljungby, Ausås, Vejbystrand, Södra Utmarken iyo Tåstarp iyo weliba bas buugaag la wareega.

Maktabadda degmada Ängelholm waxay furan tahay maalmaha isniinta ilaa khamiista saacadaha 10-19, jimcahana saacadaha 10-17 iyo maalinta sabtida 10-14. Maalmaha isniinta iyo arbacada waxaa maktabadda ka jira kulan lagu qaxweeyo oo luuqadda looga hadlo.

Guryaha dabaasha

Aqalka dabaasha ee Toftabadet wuxuu ku yaal waddada Lyckgatan 4 ee xaafadda Munka Ljungby. Waana meel dhawr kiilomitir u jirta bartamaha Ängelholm. Waxaa halkaas ka jira meel lagu dabaasho, qolalka kuleylka iyo tabakaayo wax laga iibsado. Waaskada dabaashu
waa 25 mitir, derejada kuleylkuna waa 28 digrii.

Xilliga qaboobaha 2016 waxaa la furayaa aqalka dabaasha ee Vattenhuset, oo aqal cusub oo degmadu leedahay oo ku yaal agagaarka isbitaalka Ängelholm.

Dabaasha dibedda

Vejbybadet waa meel la diiriyey oo lagu dabaasho oo leh waasko dhererkeedu yahay 25-mirir. Waaskadaas 25-mitir ahina waxay qoran tahay inta u dhexeysa 1.20 mitir ilaa 2 mitir. Waxaa kaloo halkaask u yaal waasko carruurta loogu talagalay oo hoos u qodan ilaa 80
sentimitir, iyo mid 30 sentimitir hoos u qoran oo carruurta yaryari ku bashbashleeyaan.
Waxaa kaloo halkaas ku yaal qolal kuleylka iyo meel carruurtu ku cayaarto oo leh laba wiifoow. Vejbybadet waxay furan tahay oo qura xilliga kulaylaha, waxay ku taal waddada Kustvägen 17 ee Vejbystrand.

Kaniisadda Iswiidhen

Kaniisadda Iswiidhen waxay afar kaniisadood ku leedahay, mid yar iyo saddex caadi ah.
Isbitaalka Ängelholm waxaa ku dhexyaal kaniisadda isbitaalka. Waxay qabanqaabiyaan barnaamijyo loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn labadaba.

Masaajidka Ängelholm

Degmada Ängelholm waxaa ku yaal masaajid aad ku cibaadeysan karto. Waxaa kaloo Ängelholm ku yaal kaniisadda EFS.

Sidan uppdaterad den 25 maj 2016.

Allmän information

Om Ängelholm

Adress:
Östra vägen 2
262 80 Ängelholm

Telefon: 0431-870 00
E-post: This is an email address

Kundtjänst-öppettider:

Sommarens öppettider:
Måndag-fredag 08.00-16.00

Kommunens kundtjänst

Jourtelefon och andra kontakter

Felanmälan

Lämna din synpunkt

Om webbplatsen

Ängelholms kommun på sociala medier

Facebook

Twitter

Instagram

Youtube

Visste du att du kan ladda din elbil vid Stadshuset?