Ängelholms kommunvapen Ängelholms kommunvapen

Verktygsmeny

Hjälp

Sök på webbplatsen

Chatta med oss

Hej, vill du ha hjälp?



Chatten öppnas i nytt fönster i din webbläsare

Texten i chatten sparas och blir en allmän handling som vem som helst kan begära att få läsa.

Regler och villkor för chatten

Goobo lagu kulmo

Waxaa degmada Ängelholm ka jira goobo lagu kulmo oo ujeeddada laga leeyahay ay tahay in dadka loo fududeeyo in ay kulmaan oo isbartaan. Goobahaas kulankuna waa kuwo cid walba u furan, iyadoo aan loo eegeyn inaad tahay qof dalka ku cusub, qof iswiidhish ah, qof waayeel ah, qof dhallinyaro ah ama qof ajnebi ah oo Iswiidhen muddo dheer degganaa.

Aqalka lagu magacaabo
Kronohäktet waxaa laga qabanqaabiyaa dhaqdhaqaaqyo dhaqameed oo ay ka mid yihiin bandhigyo, koorsooyin muusigga lagu barto iyo maalmo farshaxan iyo naqshadeyn. Afar khamiisaad oo laga bilaabo maalinta khamiista ee bartamaha xilliga kulaylaha waxaa bandhig muusig lagu qabanayaa fagaaraha ku ag yaal togga Rönne å.
Världs-Cafét Klotet oo ku yaal aqalka dadweyna waxaa ka jira ila asiddeed dhaqdhaqaaqyo dhaqameed oo xiiso badan oo soconaya muddo sannad ah oo ka kooban muxaadarooyin, bandhigyo muusig iyo qorayaal booqasho ku imanaya. Waxaana lagu soo gelayaa lacag la’aan, cid walbana waa u furan tahay.

Dugsiga barbaarinta oo furan waa bar ay kulmaan waalidka iyo carruurtu. Xilliga dugsigaas barbaarintu furan yahay markaad doonto ayaad soo geleysaa kana baxaysaa. Waxaa halkaas laga samaysan karaa xiriiro cusub iyo iyadoo laga sameeyo hawlo wax
curin ama lagu cayaaro, ama laga heeso amaba la iska joogo.

Mötesplats Kulturhuset (MK-huset) wuxuu dadka ugu deeqayaa bey’ad ammaan ah
oo ay mamnuuc ka tahay waxyaalaha maanka dooriya. Waxaa meeshaas loogu talagalay laga bilaabo ardayda dhigata fasalka toddobaad ilaa uu qofku ka buuxsanayo 20 sano. Inaad internet ka geli karto, ama cayaar kombiyuutar ku cayaarto, ka qaxweyso ama aad saaxiibadaa is kala joogto ka sokow waxaa aqalka MK laga qabanqaabiyaa barnaamijyo fiidkii oo kala duwan. Waxaa barnaamijyadaas ka mid noqon kara isboorti, daawasho filimo, farsameynta baabuur la hago iyo wax abuurid. Haddaad dhigato fasalada 7 ilaa 9 waxaad booqan kartaa xarumaha waqtiyada firaaqada ee degmada ku yaal.

Maktabadda degmada Ängelholm waxay gu’ga sannadka 2016 qabanqaabisaa kulamo luuqadeed oo socda maalmaha isniinta iyo arbacada, saacadaha 15-17 halkaas oo inta lagu kulmo la isla qaxweeyo oo af-iswiidhish lagu sheekeysto. Haddaad dooneyso waxaad heli kartaa qol aad maktabadda ka amaahato si aad waqtiyada kale ugu xoojiso barashada luuqadda.

Meelaha kale oo lagu kulmo:

  • Rädda Barnen oo ku yaal Gasverksgatan waxaa ka jira kaalmo casharada
  • Ururka saaxiibtinimada Ängelholm oo ku yaal Vaktgatan 21
  • Dabaasha carruurta yaryar iyo qoysaska oo ku yaal Södra Sjukhuset

Sidan uppdaterad den 25 maj 2016.

Allmän information

Om Ängelholm

Adress:
Östra vägen 2
262 80 Ängelholm

Telefon: 0431-870 00
E-post: This is an email address

Kundtjänst-öppettider:

Sommarens öppettider:
Måndag-fredag 08.00-16.00

Kommunens kundtjänst

Jourtelefon och andra kontakter

Felanmälan

Lämna din synpunkt

Om webbplatsen

Ängelholms kommun på sociala medier

Facebook

Twitter

Instagram

Youtube

Visste du att du som tillhör äldreomsorgen i Ängelholms kommun kan få avgiftsfri hjälp för att undanröja risker för skador i hemmet?