Ängelholms kommunvapen Ängelholms kommunvapen

Verktygsmeny

Hjälp

Sök på webbplatsen

Chatta med oss

Hej, vill du ha hjälp?



Chatten öppnas i nytt fönster i din webbläsare

Texten i chatten sparas och blir en allmän handling som vem som helst kan begära att få läsa.

Regler och villkor för chatten

Daryeelka iyo xannaanada

Daryeelka bukaanka iyo daryeelka ilkaha

Degmada Ängelholm waxaa ku rugo daryeel caafimaad oo ay ka mid yihiin qaabbilaadda furan habeenkii iyo waqtiyada fasaxa. Waxaad halkaas kula kulmi kartaa dhakhtar, ummuliso ama kalkaaliye caafimaad. Waad dooran kartaa rugta daryeelka caafimaadka oo aad dooneyso inaad tagto.

Isbitaalka ugu dhoowi wuxuu ku yaal waddada Södra vägen ee Ängelholm.

Waxaa kaloo degmada Ängelholm ku yaal rugta daryeelka ilkaha dadweynaha iyo isbitaalo daryeel ilko oo gaar loo leeyahay.

Waqti qabso

Mar walba waa in aad waqti qabsataa si aad u la kulanto dhakhtar jooga rugta daryeelka caafimaadka ama isbitaalka. Waxaa muhiim ah inaad ku timaaddo waqtiga laguu qabtay. Haddii aysan kuu suuroobin inaad timaaddo ballanka dhakhtarka, waa inaad soo wacdaa
maalin ka hor oo sheegtaa inaad ka noqotay ballankaas. Haddii aadan waqti hore ka noqon, waxaa khasab kugu noqoneysa inaad bixiso khidmadda xataa haddii aadan iman. Waxaad ka bixineysaa xafiiska isbitaalka ama waxaa lagu siinayaa warqad aad ku bixiso.

Gargaar degdeg ah

Dhammaan xanuunyada halista ah waxaa la wacayaa 112, oo ambalaas, ama boliis ama ciidanka dabdamiska kuu soo diraya, taas ku xiran hadba wax dhacay. Lambarka 112 waxaa la isticmaalayaa oo qur ah marka wax halis ahi dhaco.

Turjubaan

Haddii aadan ku hadal af-iswiidhishka waxaad xaq u leedahay in laguu qabto turjubaan mar walba oo aad lan xiriireyso hay’adaha dowladda ama rugaha daryeelka caafimaadka.

Haddii aad u baahan tahay turjubaan marka aad la xiriireyso hay’adaha, adigu qabsan meyso turjubaankaas waxaa diyaarinaya hay’adda arrintu kaa soo gashay. Inta aadan u iman ayaad hay’adda u sheegeysaa inaad u baahan tahay turjubaan iyo luuqadda aad ku
hadasho.

1177

Wac 1177 si aad u hesho talooyin lagaa siiyo noocyada  cudurada. Barta internet ee www.1177.se waxaad ka heli kartaa warbixino ku qoran luuqado kala duwan oo ku
saabsan cuduro kala duwan.

Farmashiyaha

Bartamaha degmada Ängelholm waxaad ka heleysaa farmashiyaal farabadan. Halkaas waxaad ka doonan kartaa daawooyinka dhakhtarku kuu soo qoro. Waxaad kaloo ka iibsan kartaa daawooyin aan u baahnayn warqad dhakhtar. Daawooyinka aan u baahnayn warqad dhakhtar qaarkood oo ay ka mid yihiin kiniiniga xanuunka, daawada sanka lagu buufiyo kiniiniga dhuunta, waxaad ka iibsan kartaa dukaamada cuntada.

Xannaanada waayeelka, xannaanada naafada iyo gargaarka shkhsiyaadka iyo qoysaska

Maamulka degmadu wuxuu caawimaadyo kala duwan ugu deeqayaa dadka qaba naafo xagga maskaxda ama jirka.

Maamulka degmada ayaad caawimaad ka heleysaa haddii aad waayeel tahay oo u baahan tahay caawimaad sida in guriga lagugu caawino, ama guri waayel lagu dejiyo, ama alaarmi guriga laguugu dejiyo ama cunto guriga laguugu keeno.

Xafiiska gargaarka shakhsiyaadka iyo qoysasku wuxuu mas’uul ka yahay waxyaalaha ay ka midka yihiin baaritaanada iyo wax ka qabadka kaalmada dhaqaale, baaritaanada welwelka ka ashtako la xiriirta carruur ama isticmaalka waxyaalaha maanka dooriya, ama in caawimaad iyo waxqabad la siiyo carruurta, dadka waaweyn iyo dadka isticmaala maandooriyayaasha.

Sidan uppdaterad den 25 maj 2016.

Allmän information

Om Ängelholm

Adress:
Östra vägen 2
262 80 Ängelholm

Telefon: 0431-870 00
E-post: This is an email address

Kundtjänst-öppettider:

Måndag - torsdag 07.30-17.00
Fredag 07.30-16.00

Kommunens kundtjänst

Jourtelefon och andra kontakter

Felanmälan

Lämna din synpunkt

Om webbplatsen

Ängelholms kommun på sociala medier

Facebook

Twitter

Instagram

Youtube

Visste du att 57% av ängelholmarna äger en lergök?